Baarlamaanka Turkiga oo cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay in xaalad degdega dalka la geliyo (sawiro)

    0
    627

    Xildhibaanada Baarlamaanka Turkiga, ayaa Khamiistii cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay in saddex bilood xaalad deg deg ah la geliyo dalkaasi, si looga jawaabo afgambigii dhisicoobay.
    Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Magaalada Ankara, ayaa waxaa kulankaasi soo xaadirtay 461 Mudane, waxaana xaaladda deg degga ee dalka lagu soo rogay taageertay 346 Mudane, halka 115 kalana ay ka hortimid.
    Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Binali Yıldırım, ayaa sheegay in tani ay ka caawin doonto in ay mid mid dalka kaga sifeeyaan taageerayaasha wadaadka Fethullah Gulen, oo lagu eedeeyay in uu soo qaban qaabiyay afgambigii fashilmay.
    Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Turkiga, Numan Kurtulmus, ayaa isna sheegay xaaladda deg degga in lagu soo gaba gabeen doono muddo bil iyo bar ah.
    Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga, ayaa habeenkii Arbacada ku dhawaaqay xaaladda deg degg ah ee dalka la geliyay saddexda bilood ee soo socota.

    Daawo sawirada
    4

    2

    1
    3

    NO COMMENTS